SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR LOO ADEEGSADAY TOOREEY OO KA DHACAY JARMLKA.

(SAWIR)-KA. GAWARAAIDDA GARGAARKA DEG DEGA AH.

(MANNHEIM-GERMANY)-Askeri boolis ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaaladda MANNHEIM ee dalka Jarmalka,Duhurnimadii maanta oo Jimca ah. Booliska waxay sheegeen in “Hub loo adeegsaday Qofka weerarka soo qaaday”,isagoo dhaawacay tuhmanaha. Waxay intaas ku dareen in eysan jirin khatar kale oo soo food saartay shacabka. “Jawaabayaashii ugu horeeyey,gurmadyo diyaarad Helikobtar ah ayaa la geeyey”sidaas ayey yiraahdeen. Weerarka Mindida loo adeegsaday ayaa waxa uu dhacay xilli uu banaanbax ka socday mid ka mida fagaarayaasha dhexe ee magaaladda Mannheim,muuqaalo laga soo duubay goobta ey wax ka dheceen ayaa muujinaayo dad shacab ah oo isku dayaayey iney jebiyaan ninka weerarka gaystay oo tooreeyey ku garaacayey askeri ka tirsan ciidanka booliska. Ugu dambeyntii nin kale oo askeri ah ayaa toogtay ninki dilka gaystay xilli uu nin kale la tacaalaayey.

UJEEDKA WEERARKA WELI MA CADDA.

War Qoraal ah uu soo saaray Booliska ayaa lagu sheegay in eysan si deg deg ah wax faahfaahin ah uga bixin karin tiradda dadka la dilay iyo inta ey la eg tahay tiradda dadka dhaawaca ah. Si kastaba ha ahaatee,Wargayska Maxaliga ah ee Mannheimer Morgan oo soo xigtay afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in mid ka mida askarta uu goobta ka soo gaaray dhaawac culus. Ka dib,Wakaaladda Wararka DPK ayaa sheegtay in sarkaalku uu maray Qaliin. Micheal Sturzenberger oo ah nin si weyn u dhaleeceeyo Diinta Islaamka ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo munaasabadda,taaso qeyb ka ah socdaalkiisa”Indhaha Furan”. Ururkiisa “Pax Europa”ayaa sheegay in Sturzenberger oo 59-jir ah uu ka mid ahaa dadka dhaawacmay. Duqa magaaladda Mannheim Christian Sprecht ayaa sheegay inuu ahaa “Hadal La’aan weerarka ka dib. Maayarka garabka midig u janjeera ayaa dadka ku booriyey in eysan ka fikirin ujeedka ka dambeeya weerarka ka hor inta aysan baarayaasha daabicin natiijadooda. Scholz ayaa sheegay in weerarka ey tahay in si adag loo ciqqabo,isagoo ka hadlaayey weerarka Mannheim,hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz wuxuu sheegay fikirkiisa ey la jiraan dhibanayaasha weerarka tooreyda ah. “Rabshadu gebi ahaan waa mid aan la aqbali karin dimuqaradiadeeyna sidaas waxaa yiir Scholz . “Waa in si adag loo ciqaaba dembiilaha”. Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ayaa u mahad celisay kooxda caafimaadka iyo Saraakiisha booliska ee goobta ku sugnaay,waxayna u rajaysay iney si buuxda u bogsadaan dhibanayaasha.

ISHA/DW.