SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR LOO ADEEGSADAY QAANSO IYO FALAAR OO KA DHACAY DALKA NOORWEEY.

(COPENHAGEN,DENMARK): Nin ku hubaysan Qaanso iyo Falaaro ayaa waxa uu dalka Norweey magaaladda Kongsberg ku dilay shan qofood waxa uuna dhaawacay dad kale ka hor inta aan la qaban maanta oo Arbaca ah(13/10/2021)-ka.Taliyah booliska ee jaaliyadda Kongeberg una dhaw caasimadda Oslo ee dalka Norwey ayaa yiri”waxaa dhacay iska hor imaad”u dhexeeyo sarakiisha booliska iyo kan dadka dilaayey laaknise taliyuhu ma uusan sharixin.Weerarkaan loo adeegsaday Qaansada iyo Falaarta ayaa waxaa ku dhaawacmay sida la sheegay laba qofood waxaane loola cararay isbitaalka halkaaso gargaar loogu fidinaayo,dadka la geeyey isbitaalka ayaa waxaa ka mida sarkaal boolis ah kaaso aan ku jirin shaqadda balse dhaawacmay,sarkaalkaan ayaa joogay gudaha dukaanka uu soo weeraray shaqsigaan ku hubaysnaay Qaansada iyo Falaarta.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.