SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR LOO ADEEGSADAY DRONES OO KA DHACAY CIRAAQ.

(CIRAAQ):Maalintii khamiist ee la soo dhaafay waxaa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxaa lagu qabtay lix diyaaradood oo ah nuuca uusan duuliyaha wedin(DRONES) waxaane diyaaradahaan sheegtay inuu dalka Turkiga ka keenay xildhibaan Zakariye kana tirsan baarlamaankii tobonaad,xildhibaanka ayaa hadalkiisa raaciyey inuu diyaradahaan u soo geday shirkadda Hufan kana hawlgasha maamulka Puntland,arrintaan ayaa waxa maanta ka hadlay ku xigeenka madaxa Rugta Ganacsiga Soomaliyeed Cabdi Abshir Dhoore waxa uuna sheegay inaan la sheegin amaba uusan jirin sharci ganacsatada ka reebaayo ineey dalka keensan karaan diyaaradhaan(DRONES)-ka lagana rabo dawladda ineey bixiso lacagtii laga soo bixiyey Drones-ka amaba ineey siiyo shirkadii soo iibsatay,hadaba arrimaha diyaadahaan Drones-ka ayey soo badanaayaan dhibaatadooda oo waxaa dhacday in diyaaradda DRONES ah lagu weeraray Raysal wasaaraha dalka Ciraaq gudaha magaaladda Baqdaad gaar ahaan halka loo yaqaano Green Zone oo u dhaw halka uu magaaladda ka degan yahay,weerarkaas loo adeegsaday Drones-ka laguna bartilmaameedsaday Raysal wasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-kaadimi ayaan cidi sheegan.Laba sarkaal oo Ciraaqiyiin ah una waramay wakaaladda wararka Associated Prees(AP) ayaa sheegay in todobo ka mida ilaaladda Raysal Wasaare Alkaadimi ineey ku dhaawacmeen weerarka loo adeegsaday Drones-ka kana dhacay magaaladda Baqdaad halka loo yaqaano saaxadda Cagaaran(Green Zone).ISHA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.