SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR LAGU QAADAY GIRI EY DEGANAYEEN..

ASKARTA DFS.

(MUQDISHO)-Duhurnimadii maanta oo Talaada ah(21/2/23)-ka ayey kooxda Khawaarijta waxa ey weerar ku bilawday Ismiidaamin ku qaadeen guri ku yaalo degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay weerarka ayaa sheegaayey in guriga la weeraray uu iska lahaay Gen.Garabeey balse dhawr saacadood ka dib ayaa la xaqiijiyey in weerarka lagu qaaday guri ey deganaayeen dad ka tirsanaay Macaawisleydii Khawaarijta kula dagaalantay gobolka Hiiraan kuwaaso ka soo bogsaday dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ey la galeen Khawaarijta,aaga lagu dagaalamay ayaa waxaa deganaay Gudoomiye ku xigeenka kobaad ee Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cali Shacbaan. Dagaalka ka dhacay guriga ku yiil degmada C/casiis ayaa waxaa soo afjaray ciidamada Haramcad,NISA iyo Mileteriga kuwaaso muddo kooban ku soo afjaray weerarkii Khawaarijta.

ISHA WARKA HO.

HALKAAN KA SII AKHRI.