SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR KA DHACAY HOTEL-KA TAWAKAL.

SAWIRKA HALKA UU KA DHACAY QARAXII KISMAAYO EE MAANTA OO AXAD AH.

(SOMALIA)-Ma aha markii ugu horeeysay eey kooxda Alshabaab weerarto Hotel ku yaalo magaaladda Kismaayo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka J/Land,sannadkii 2019-kii ayey ahayd markii kooxda Alshabaab weeraeen Hotel-ka Cascaseey ee isna ku yaalo Kismaayo halkaaso ey ku dileen dad muhiim u ahaay shacabka Soomaaliyeed,hadaba ugu yaraan seddex qofood ayaa ku geeriyootay waxaane ku dhaawacantay shan iyo toban qofood oo kale ka dib markii kooxda Alshabaab ey weerar ku qaaday Hotel-ka Tawakal ee ku yaalo magaala xeebeedka Kismaayo maanta oo Axad ah sida eey sheegeen ciidamadda amaanka ee magaaladda Kismaayo. Mahad Cabdi waa taliyaha booliska ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in weerarka Alshabaab ku bilawday qarax ka dibne eey xigtay is rasaaseyn xoogan una dhexeysay ilaaladii Hotel-ka iyo maleeshiyaadkii soo weeraray Hotel-ka. Taliye Mahad ayaa yiri”Waxaan idiin xaqiijinaa ineey geeriyoodeen seddex qofood eyna ku jiraan arday u socotay iskuulka uuna haleelay qaraxa”

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.