WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY XEEBTA LIIDO.
(SAWIRKA)-WASIIR KU XIGEENKA CAAFIMAADKA JFS MD.MAXAMED XASAN MAXAMED OO KU SUGAN ISBITAALKA LAGU DAWEYNAAYO DADKII KU SOO DAAWACMAYA WEERARKII LIIDO.
(MUQDISHO)- DEG DEG: Wararka aan heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in caawa (9:00)-Fiidnimo uu halkaasi ka dhacay weerar uu qaaday qof Ismiidaamiye ah soona xirtay Waxyaabaha Qarxa,weerarka ayaa lala beegsaday goob ku taalo Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir taaso ey ku nastaan dad u badan dhallinyaro isaga kala yimid magaaladda Muqdisho degmooyineeda. Weerarka oo ku bilawday Ismiidaamin, ayaa waxaa xigay weerar toos ah ey qaadeen Rag gaaraayo ilaa afar oo ku hubeysnaay Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Qoraga AK-47,waxayna ragaas toogteen cid kasta oo ku sugneed banaanka Hotelka Beach View iyo gudihiisa oo ahayd halka ey kooxda soo weerartagtay u ahayd batilmaameedka. Sida uu warbaahinta Maxaliga ah u sheegay qof ka mid ah dadkii ka soo badbaaday weerarka waxa uu indhihiisa ku arkay ninkii Ismiidaamiyey oo askeri waardiya ah leeyahay”ISTAAG” ka dibne uu is Qarxiyey Ismiidaamiyihii,waxaane xigay dagaal ey qaadeen ragii hubaysnaay. Weerarkaan ayaa imaanaayo iyadoo maalmo ka hor ey digniin soo saareen hayadaha Sirdoonka Caalamiga ah ee degan Xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho,Sirdoonka Caalamiga ah ayaa ka digay iney suurtagal tahay in magaaladda Muqdisho ey ka dhici karaan weeraro ey soo maleegeen kooxda Alshabaab,weeraradaan ayey sheegeen in lala beegsan karo Xarumaha ey degan yihiin Hayaddo Caalami ah iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxaane muuqata in kooxda Alshabaab ey sameeyeen hawlgalkii u qorsheysnaay balse waxa ey ka fuliyeen goob ey u arkeen iney tahay mid iyaga u sahlan eyna ku xasuuqi karaan dad fara badan oo shacab ah oo aan waxba gaysan balse iyaga u ah Guul ey ku naaloon karaan. Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee HARAMCAD ayaa soo gaaray Hotelka Beach View si ey soo badbaadiyaan dadka ku go’odoonsan gudaha Hotelka soona afjaraan dagaalamayaasha Alshabaab ee ka dhex dagaalamayo Gudaha Hotelka kuwaaso gaarayey ilaa afar,waxa eyna Ciidamadda Haramcad ku guuleysteen iney soo Afjaraan kooxdii Gudaha u gashay Hotelka,waxa eyna banaanka soo dhigeen meydadka Maleeshiyadii soo galay Hotelka kuwaaso gaaraayo ilaa afar dagaalame loona maleynaayo iney ka soo jeedaan G/Baay ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbaahinta Maxaliga ah ayaa baahisay muuqaalo dad lagu la’ayahay Nolol iyo Geeri oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal kuna sugnaay banaanka Xeebta Liido gaar ahaan goob si aad ah ugu dhaw Hotel Beach View ka hor inta uusan dhicin Qaraxa Ismiidaaminta ah, Weerarkaan ayaa ah midkii labaad ee ka dhaca magaaladda Muqdisho ee caasimadda ah muddo ka yar hal bil,waayo waxaa taariikhdu markeey ahayd 15/7/24-ka weerar aad u xoogan oo uu fuliyey qof Ismiidamiye ah lagu qaaday banaanka Maqaayadda TOP COFFE halkaasoo ey ku sugnaayeen dhallinyaro daawaneysay Cayaarta Finaalka ah ee koobka Yuuro 2024-ka taaso dhexmareysay Kooxaha Ingiriiska iyo Isbeyn waxaane weerarkaasi uu sababay dhimasho,dhaawac iyo burbur weyn oo soo gaaray dhismihii Maqaayadda Top Coffee. Maxaa khaldan oo keenay isbedelkaan deg dega ah ee dhinaca Amniga caasimadda ah?
ISHA/SB-MEDIA.