SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR CIRKA AH OO LALA BEEGSADAY BU’AALE.

(SAWIRKA)-HOGAANKA SARE EE ALSHABAAB.

(BU’AALE)-Sida ey inoo xaqiijiyeen dadka degaanka waxaa weerar dhinac cirka ah uu saakay ka dhacay xarunta Gobolka J/dhexe ee Bu’aale,weerarkaan ayaa loo adeegsaday dhawr gentaal oo lala beegsaday laba goobood oo magaaladda ku yaalo laguna tababaro maleeshiyaadka u dagaalama kooxda Alshabaab. Kooxda Alshabaab oo weerarka war ka soo saartay ayaa sheegtay in duqeynta lala beegsaday dugsi Quraan eyna ku dhinteen caruur yar-yar oo dugsiga dhiganeysay. Dhinaca kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dawladaha kaalmeeyo DFS. Gobolka J/dhexe ayaa ah halka gobol ey maamulaan maleeshiyaadka Alshabaab waane xarunta kaliyah ey degan yihiin hogaamiyeyaasha kooxda ugu tunka weyn sida Axmed Diiriye oo sheegta inuu yahay hogaamiyaha kooxda Alshabaab,Mahad Karatey oo ah madaxa Amniyaatka hadana raba inuu noqdo hogaamiyaha kooxda Alshabaab,waxaa kaloo J/dhexe kuwada sugan hogaamiyeyaasha kooxda kuwooda ka soo baxsaday G/mudug iyo H/shabeele.

ISHA/SB-MEDIA.