WEERAR 15-ASKERI KU DHINTEEN OO KA DHACAY RUUSHKA.
(SAWIRKA)-GOOBTA UU WEERARKU DHACAY.
(ISTANBUL)-In ka badan 15-Askeri oo Boolis ah ayaa lagu dilay weeraro hubaysan oo ka dhacay magaaladda Dagestan ee dalka Ruushka,sida uu sheegay madaxa Gobolkaasi horaantii maanta oo Isniin ah. Sergey Melikov ayaa ka faalooday weeraradii ka dhacay magaalooyinka Makhachkala iyo Derbent isagoo ka hadlaayey Kanaalka Telegaraamkiisa. Wararka ayaa sheegaayo in kooxda weerarka gaysatay ey beegsadeen bar koontarool oo ciidamdda Booliska ey ku leeyihiin magaaladda Makhachkala iyo sidoo kale laba Kaniisadood iyo Macbad ku yaalo magaaladda Derbent. Labada magaalo ee la weeraray ayaa isu jiro qiyaastii 128-Kiilomitir. Weerarka ayaa lagu sifeeyey inuu yahay mid ‘ARGAGIXISO”,Melikov ayaa yiri”Waan ognahay cidda ka dambaysa arrintan iyo kuwa soo abaabuley weerarka ujeedkooda waxa uu yahay,Dagaalku waxa uu yimid guryaheyna”. Waxa uu xusay in Booliska Dagestan ey ka hortagayeen kuwii ka dambeeyey weerarada. “In ka badan 15-Askeri ayaa naftooda ku waayey weerarkan argagixisada ah oo aan horay loo arag,waxay difaacayeen nabadda iyo kala dambaynta magaaladda Dagestan,dadka dhintay waxaa ku jira dhawr qof oo rayid ah oo uu ku jiro Wadaad.
ISHA/AA.