SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAXKA BEDELKA DASTUURKA SOOMAALIYA MAXAA LOO MACNAYN KARAA?

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEKKH MAXAMUUD IYO MW-DENI.

(MUQDISHO)-Wargays ka mida Wargaysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska laguna daabaco Luqadda Carabiga lana yiraahdo”THE NEW ARAB”kana mid ah Wargaysyada sida wanaagsan uga hadlo xaaladdaha ey ku sugan yihiin wadamadda Carabta in kastoo uusan inta badan soo hadal qaadin arrimaha Soomaaliya iyo waxa ka taagan balse maanta oo Sabti ah(3/2/24)-ka waxa uu soo daabacay Qoraal uu Cinwaan uga dhigay”WAX KA BEDELKA DASTUURLA SOOMAALIYA: WAX KA BEDEL AMA TALLAABO DIB U HABAYN”sida u xusan Qoraalka waxaa Muqdisho ka soo diray NUUR GEEDI,hadaba maxaa lagu yiri Qoraalka Wargayska THE NEW ARAB?. Dhaliilaha siyaasadeed ee ka soo horjeedo ayaa cirka isku sii shareeraayo mashuuc wax ka bedelka DASTUURKA KMG ah ee dalka Soomaaliya kaaso ey ansixiyeen Baarlamaanka,labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Guurtida,maadaama uu yahay isku day uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonaayo inuu ku soo afjaro in Dastuurku sii ahaado mid ku meel gaar ah si uu u gaaro danihiisa siyaasadeed ee gaarka ah. Wax ka bedelka Dastuurka Qabyo Qoraalka ah waxaa ogolaaday 201-mudane halka 19-mudane ey diideen,waxaane kal fadhiga soo xaadiray 220-Mudane oo ka mid ah 329-Mudane uu ka kooban yahay Baarlamaanka Jmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal,taariikhdu markeey ahayd 24/1/24-ka. Munaasabad uu xilka kula wareegaayey Madaxweynaha Cusub ee dawlad goboleedka Puntland Md.Siciid C/laahi Deni ayaa ku beegneed maalin uun ka dib marka uu baarlamaanka Ansixiyey wax ka bedelka dastuurka 25/1/24-ka,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay inuu helo Dastuur dhammaystiran si loo gaaro himilooyinka shacabka.”Ma jirto dano gaar ah aan ka leeyahay”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyey in wax ka bedelka Dastuurka uu baarlamaanku ku sameyn doono labadiisa Gole aan lagu dhaqmi doonin mudada uu xilka haayo oo ku eg sannadka 15/5/2026-ka,balse lagu dhaqmi doono waqtiga Madaxweynaha soo socdo.

ISHA/THE NEW ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.