SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAX KA OGOW DOORASHADA MARAYKANKA.

(SAWIRKA)-HARRIS IYO TRUMP.

(WASHINGTON)-Maalinta Talaadada ee beri ah kuna beegan 5/11/24-ka waxaa loo balansan yahay in la qabto Doorashada adduunka oo dhan laga wada sugaayo ee dalka Maraykanka,Doorashada ayaa waxaa ku tartamaayo Afar Xisbi oo laba ka mid ah ey yihiin kuwa aan sidaas u mug leheyn balse labada Xisbi ee isha lagu wada haayo Doorashada beri ah ayaa kala ah Xisbiga Dimuqaraadiga oo ey magaciisa ku tartameyso Haweeneyda ah Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Kamala Harris iyo Xisbiga Jamhuuriga oo magaciisa uu ku tartamaayo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump. Doorashada Maraykanka ayaa ah mid aad ey isugu dhawyihiin labada Musharax ee labada Xisbi,waxaane dalka Maraykanka ka jiro Todobo Gobol oo fure u ah cidda ku Guuleysaneyso Doorashada Maraykanka 2024-ka. Goboladaan ayaa hadda ah kuwa si weyn isha loogu haayo maalinta berri ah sida ey wax uga dhacaan,inta badan Goboladaan ayaa ah kuwa lagu xisaabtamo waqtigaan oo kale waayo Doorasho kasta iyagaa lagu kala baxaa. Kamala Harris iyo Trump ayaa hadda ah kuwa aad isugu dhaw marka la fiiriyo warbixinada la soo saaray ilaa maanta oo Isniin ah,farqiga kala horeyntooda ayaa ah 1% iyo wax ka yar.

ISHA-FORBES.

HALKAN KA SI AKHRI.