SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIR DA’UUD AWEYS OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII KA QEYBGASHAY SHIRKII MAANTA EE HOTEL AL-JAZEERA.BIDIX(YUUSUF GARAAD,MACALIIN MAHDI,DA’UUD AWEYS) IYO WARIHYAHA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in maanta oo Arbaca ah uu galay maalintiisii labaad Shirka Saameynta Been Abuurka iyo Kicinta Colaadaha ey ku leeyihiin Nabadda iyo Xasiloonidda,fadhiga maanta ayaa waxaa marti ku ahaay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliya isla markaasne soo noqday Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Md.Yuusuf Garaad Cumar,Waxaa kaloo ka mid ahaay Wasiirka Warfaafinta,Daqanka iyo Dalxiiska ee XFS Md.Da’uud Aweys iyo Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Banaadir G/Sare.Macallin Mahdi. Dhammaan masuuliyiinta ayaa si aad ugu nuux-nuuxsaday ahmiyadda ey leedahay in meel looga soo wada jeesto kuwa hurinaayo colaadaha shacabka Soomaaliyeed dhexdooda ah kuwaaso laga yaabo iney yihiin kuwa u adeegaayo cadawga Soomaaliyeed ee gudaha ee kooxda Nabad diidka ah ee ALshabaab. Taliyaha Booliska G/Banaadir G/Sare Macallin Mahdi ayaa yiri’Ha ogaadaan kuwa baraha bulshada dhibta ka wada in wejigooda dhabta ah aan bulshada tuseyno ayagoo bilaa Filter ah”,Md.Yuusuf Garaad ahne Saxafi ruug cadaa ah ayaa isagana yiri”Xurriyadda Saxaafadda ma dhaawaceyso in Bulshada laga qabto kuwa wararka beenta ah faafiya", Sida aan la socono waxaa weli Xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho ku jiro dhallinyaro aad u fara badan kuwaaso baraha bulshadda kaga ololeynaayey kicinta dagaal Qabiil waxaane la soo hortaagi doonaa Maxkamadaha awooda u leh iney qaadaan Eedeymaha loo haysto dhallinyaradda. Wasiir Da’uud Aweys ayaa maanta si cad waxa uu shaaca uga qaaday iney socdo qorshe talaabo looga qaadaayo dadka caadeystay iney colaad Qabiil ka huriyaan dibadda dalka ayagoo ku gambanaayo magaca dal kale,Wasiirka ayaa tibaaxay in arrinkaas ey kala hadleen Dawladaha ey ku sugan yihiin kuwa Kicinaayo dagaaladda Qabaa’ilka.

ISHA/SNTV.