SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRO XILALKII LAGA QAADAY IYO KUWA LA MAGACABAY.

(SAWIRKA)-RW-XAMASA CABDI BARRE.

(MUQDISHO)-WAR DEG DEG AH: War dhawaan inaga soo gaaray caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu maanta sameeyey Xilka qaadis isla markaasne uu magacaabay Wasiiro cusub oo ka mid noqonaayo Xukuumadiisa. Wasiiradda Xilka laga qaaday maanta ayaa kala ah: Wasiirka Berraha iyo Waraabka ee XFS Xildhibaan AXmed Madoobe Nuunaw,waxaane bedelkiisa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka loo magacaabay Md.Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. (2)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeenta XFS Md.Ismaaciil Sheekh Bashiir waxaane bedelkiisa Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta loo magacaabay Xildhibaan C/salaan Cabdi Cali(Dhaay). Dhinaca kale,waxaa weli banaan xilal ey baneeyeen Wasiiradda (1)-Arrimaha Dibadda Md.Abshir Haruse oo u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland, (2)-Wasiirka Amniga Qaranka Md.Doodishe oo hadda ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar iyo (3)-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee XFS,xilkaan waxaa ka geeriyootaya AUN-Xildhibaanad Wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRISO.