SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRO LAGU MAGACAABAY WAX KA YAR 24-SAAC.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Shalay ayey ahayd markii ey si is daba joog ah oo aan waqti badan u dhexeyn ey isu Casileen laba Wasiir kana tirsan Xukuumadda uu Hogaamiyo Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Is casilaada labadaan Wasiir ayaa ah mid daba socoto khilaafka ka dhex qarxay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubalan Md.Axmed Maxamed Islaam (Madoobe),khilaafka ayaa salka ku haayo Doorashooyinka dalka ka dhacaayo waqtiyada soo socdo kuwaaso ah Doorasho Qof iyo Cod ah sida ey rabto XFS ee uu hogaamiyo MW-Xasan Sheekh Maxamud,balse taas bedelkeeda waxaa uu rabo inuu sameeyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Md.Axmed Madoobe ayaa ah inuu qabsado doorasho Dadban uu isagu maamulaayo. Marka aan wax yar ka iraahddo Taariikhda Md.Axmed Madoobe ee hadda ah MW-Jubalanda. Sannadkii 2007-dii,Waxaa Axmed Madoobe xirtay dawladda Itoobiya waxaane lagu haayey Hotel-ka Giyon ee ku yaalo Caasimadda Addis Ababa waxaane lagu sii daayey wada hadal dhexmaray Xukuumadii Sheekh Shariif iyo Itoobiya. Sannadkii 2008-dii,Maleeshiyaadkii Raaskambooni oo uu Hogaankeeda ka mid ahaay ayaa is bahaysi la sameystay kooxda ALshabaab waxa eyna qabsadeen magaala xeebeedka Kismaayo,waxaane dhacday in kooxda ALshabaab ey si buuxda ula wareegtay inta badan Koonfurta Soomaaliya sannadkii 2009-kii. sannadkii 2012-kii,waa seddex sano ka dib ayey ciidamo Kenyan ah waxa ey kooxda Alshabaab ka saareen magaaladda Kismaayo,Axmed Madoobe ayaa waqtigaas noqday xubin ka tirsan maamulka halkaas laga dhisay. Taariikhdu markeey ahayd 15/5/2013-kii ayuu Axmed Madoobe noqday Madaxweynaha Jubaland iyadoo ey jirtay mucaaradad xoogan loogana soo horjeedo Axmed Madoobe balse waxaa taageero hagar la’aan ah u muujiyey Axmed Madoobe dadkii ku dheganaayne ka kala firdhiyey Dawladaha Kenya iyo Itoobiya,xiriirkii ka dhexeeyey dawladii waqtigaas jirtay ee uu hogaaminaayey MW-Xasan Sheekh oo aad xumaa ayaa waxa dhexdhexaadin ka galay Ururka IGAD. Axmed Madoobe ayaa Jubaland soo xukumaayey 2013-kii ilaa 2019-kii, Agoosto-2019-kii ayaa mar kale dib loo doortay Axmed inuu Madxweyne ka noqdo Jubaland taaso ku ekeed Agoosto/2024-ka, inkastoo Wakiilka QM James Swan uu diiday arrinkaas,hadda Axmed waa Madaxweyne xil gaarsiin ah aan haysan wax sharciyad ah uu ku qaban karo Doorasho amaba uu ku bixin karo amaro Masiiri ah oo lagu maareynaayo siyaasadda mustaqbalka Jubaland,waxaane mucaaradad xoogani kaga furan tahay Gobolka Gedo iyo G/Jubada Dhexe oo ku jira gacanta Alshabaab kuwaaso dhammaan ka wada tirsan Jubaland iyo cadaadis is barkan kagana imaanaayo DFS iyo Xafiiska ku meel gaarka ah ee QM. Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo gudanaayo waajibaadkiisa Qaran ayaa muddo ka yar 24-saac waxa uu ku soo magacaabay laba Wasiir oo buuxinaayo Xilalkii ey baneeyeen Wasiiraddii shalay is casilay waane mid aan taariikhda horay ugu dhicin, Wasiiradda la magacaabay maanta ayaa kala ah: (1)-Xil.C/rashiid Maxamed Ducaale,kana soo jeedo G/Gedo ayaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha. (2)-Xil.Axmednuur Sheekh Maxamed kana soo jeedo G/Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa loo magacaabay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha,arrintaan ayaa muujineyso sida ey wax ka yihiin siyaasiyiinta Jubaland ee waqtigaan ku kala aragtida duwan Siyaasadaha is diidan ee ka dhex taagan maamulka Jubaland iyo DFS.

ISHA-SB-MEDIA.