WASIIRKA MAALIYADDA XFS Md.Biixi OO KA …
(SAWIR)-KA.WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA.
(NAIROBI)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 21-aad ee iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika xilli magaaladda Nairobi uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika. Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray: (1)-Dib u Eegista iyo Qiimeynta Mashaariicda socda marka laga soo bilaabo sannadkii 2019-kii oo ey maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyeyaasha iyadoo la muujinaayo ka tarjumidda daah furnaanta Madashaan. (2)-Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqeynta Xuduudaha iyadoo warbixin laga dhegaystay khubaro loo xilsaaray arrinkaas,maadaama horay loo ansixiyey nidaamka wada shaqeynta Xuduudaha sannadkii tegay ee 2023-ka. (3)-Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika sannadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgelin doon ah,hadafka houmarineed ee wadamadda dhaca Bariga Afrika. Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa diiradda saaray muhimadda ey u leedahay dhaqaalaha Soomaaliya isku xirka wadamadda Gobolka,taaso uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto wax soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ey ka fileysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareeysa marka ey hirgalaan qorshayaasha Madashaan Iskaashi ee dalalka Geeska Afrika oo hadda meel wanaagsan maraaya.
ISHA/SNTV.