SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRKA ISGAARSIINTA IYO TEKNOLOJIYADDA OO KA QEYBGALAY

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ISGAARSIINTA WADAMADDA AFRIKA.

(BEIJING-CHINA)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Adan Cali(Soomaali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa magaaladda Beijing ee wadanka Shiinaha uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Horumarinta Dhijitaalka,waxaane si gaar ah sannadkaan diiradda loo saaray Iskaashiga Dhijitaalka ee kaabayaasha,Hal-abuurka,Isbedelka,Siyaasadda,Amniga Iskaashiga Awooda Dhijitaalka. Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolojiyadda ee dalka Shiinaha,waxaane ka soo qeybgalay Wasiiradda Isgaarsiinta ee Wadamadda Qaaradda Afrika,Shirkadaha ka shaqeeyo Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda,kuwa Hal-abuurka iyo Aqoonyahano ku xeel dheer ICT-da. Wasiirka Isgaarsiin XFS Md.Maxamed Soomaali oo khudbad ka jeediyey Madasha ayaa soo dhaweeyey Istaraatiijiyadda Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo hababka lagu kobcin karo Wadamadda Afrika ee ka shaqeeya adeegyadda Dhijitaalka. “Dalka Soomaaliya marka laga hadlaayo arrimaha Dhijitaalka waxay ka qabatay shaqooyin muhim ah oo ey ka mid yihiin Ansixinta iyo diyaarinta shuruucdii lagu hagi lahaay,waxaane hadda Baarlamaanka dalka horyaal Sharciga Amniga Saybarka iyo Sharciga Saybaka Dembiyadda(Cyber Crime),Dhijitaalku wax uu qeyb weyn ka yahay Qorshaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

ISHA/SNTV.