WASIIRKA G/DHIGA XFS OO KA HADLAY KA REEBITAANKA ITOOBIYA EE….
(SAWIRKA)-WASIIR JAAMAC IYO TALIYE DAYAX.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu dhacay heshiiskii is af-garadka ahaa ee u dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya horaantii sannadkan 2024-ka, Dawaladda Federaalka Soomaaliya waxa ey waday olole Diblomaasiyadeed ey saaxadda Siyaasadda heer Gobol iyo heer caalamiba uga saareyso Dawladda Itoobiya iyadoo ku eedeysay in Itoobiya ey ku soo xadgudubtay Madaxbanaanidda Qaranimada dalka Soomaaliya ee Xorta ah. Ciidamadda Itoobiya ayaa ka mid ah ciidamadda Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ku sugan gudaha dalka Sooaaliya ee loo yaqaano ATMIS,ciidamadaan ka socdo dalka Itoobiya ayaa hadda wajahaayo neceyb shacab iyo mid dawladeed oo kaga imaanaayo DFS iyo shacabka Soomaaliyeed. In Itoobiya laga naco gudaha dalka Soomaaliya ayaa sababtay in Itoobiya eysan qeyb ka noqon ciidamo la sheegay in dalka Soomaaliya la keeni doono horaanta sannadka soo socdo ee 2025-ka. Wasiirka Gaashaandhiga XFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyey in dalka Itoobiya laga reebay Hawlgalka cusub ee AUSSOM kaaso bilaaban doono sannadka soo socdo-2025-ka. Ka harista Itoobiya ee hawlgalkaan ayuu Wasiir C/qaadir ku tilmaamay iney ka dhalatay ka dib markii ey Itoobiya ku xadgudubtay Qaranimadda iyo Midnimadda Jamhuuriiyadda Federaalka Soomaaliya maadaam ey shaacisay heshiis ey la gaartay Maamulka Soomaaliland ee Goboladda Waqooyi ee dalka JFS. Wasiir C/qaadir ayaa sheegay iney jiraan dalal cusub oo soo dalbaday ka mid noqoshada hawlgalka cusub ee AUSSOM balse dhawaan la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo buuxinta shuruudaha sida uu hadalka u dhigay. Wasiir C/qaadir ayaa yiri”Itoobiya oo ku soo xadgudubtay Qaranimadeena iyo Midnimadeena waxa ey ka hartay Hawlgalka AUSSOM,hawlgalkaan cusub waxa uu noqon doonaa tiro aad u yar,goobaha ey joogi doonaan waxa ey noqon doonaan kuwa aad u yar,waxa ey ciidamadda Qaranka ka kaalmeyn doonaan Arrimaha Farsamadda”. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisay qaraar ka dhan ah dawladda Itoobiya si looga reebo ka mid noqoshada hawlgalka cusub ee AUSSOM,Xukuumadda Itoobiya waxaa dalka Soomaaliya ka joogo ciidamo qaarkood ey fasax joogitaan ka haystaan ATMIS iyo kuwa kale oo aan la aqoon ujeedka joogitaankooda ee dalka Soomaaliya.
ISHA-AL-MUSTAQBAL.