SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRKA G/DHIGA SOMALILAND OO IS CASILAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-WASIIRKA G/DHIGA SOMALILAND EE IS CASILAY Mr.CAATEEYE.

(HARGEISA)-Wararka ka imaanayo caasimadda Gobolka Waqooi Galbeed Soomaaliya ee Hargaysa ayaa sheegaayo in Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda uu waqtigeedu dhammaaday ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi uu xilkii Wasiirnimo uu iska casilay maanta oo Axad ah. Mudane C/qani Maxamuud Caateey ayaa iscasilaadiisa waxa uu ka sheegay TV-ga Horyaal ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargaysa ee maamulka Soomaaliland mar uu bixinaayey waraysi. Wasiir Caateeye ayaa ka soo jeedo Beesha Ciise ee degta degmada Saylac ee Gobolka Awdal,sababta uu Wasiir Caateeye isu casilay ayuu ku sheegay iney tahay inuu si cad uga soo horjeedo Heshiiska baadilka ah ey wada galeen MW-Muuse Biixi iyo RW-Abiy Axmed,waxa uuna Wasiir Caateeye xusay in dalka Itoobiya ey haysato dhul Soomaaliyeed maantana aanan loogu deri karin dhul kale oo xur ah.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.