SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRADDA IS CASILAY MAXAY ISU CASILEEN?

(SAWIRKA)WASIIR JIRE QALINLE.

(MUQDISHO)-Shalay oo ahayd Axad waxaa labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka hortegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,ujeedka uu u hortegay labada Gole ayaa ahaay inuu ka codsado iney sii shaqeeyaan muddo bil ah si loo meel mariyo sharciyadda dalka u muhiimka ah sida kan doorashooyinka. Cod gacan taag ah oo la geliyey codsiga Madaxweynaha ayaa waxaa ogolaatay ilaa 181-Xildhibaan waxaane diiday ilaa 12-Xildhibaan,hadaba arrintaan ayaa waxaa ka dhashay buuq hareeyey gudaha BJFS labadiisa aqal waxaane si hoos ah maanta isu balansaday Xildhibaanada ka soo jeedo maamulka Jubaland,Maxaa ka dhacay Goobtii la isugu yimid? kulanka ayaa ku soo dhammaaday Natiijo la’aan iyo gacan ka hadal u dhexeeyey Xildhibaanadda ka tirsan labada Gole ee BJFS iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda RW-Xamse Cabdi Barre,kuwaaso dhammantooda ka soo wada jeeda maamulka Jubaland,kulanka ayaa sida la soo sheegay waxa uu ka dhacay Maqaayadda ku taalo gudaha Xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho. Kulanka ey yeeshaan masuuliyiinta reer Jubaland ayey ujeedadiisu ahayd mid ey uga tashanayeen xaaladda Siyaasadeed ee u dhexeysa Maamulka Jubaland iyo DFS,si gaar ah maamulka Jubaland ayaa damacsan inuu qabsado Doorasho dadban uu isagu maamulaayo halka Villa Soomaaloya ey aad u diidan tahay arrintaas uu wado maamulka J/land. Ilo wareedyo ayaa sheegay in la rabay in kulanka laga soo saaro War-Murtiyeed ayaa waxaa kulanka ku soo biiray xubno u badan oo ka socday Golaha Wasiiradda XFS iyo Sentaro ka tirsan Aqalka Sare ee BJFS kuwaaso dhammaantood lagu sheegay iney raacsan yihiin aragtida DFS, xubnaha Wasiiradda ee Kulanka tegay ayaa waxaa ka mid ahaay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Md.C/rashiid Xaaji Aden, Wasiirka Amniga Qaranka C/laahi Fartaag iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Md.Cali Ifiye Cali,dhinaca Senitarada ayaa waxaa ka soo muuqday Senitar Iftin Xasan Baasto iyo masuuliyiin kale oo ka wada tirsan Aqalka Sare ee BJFS. Ugu dambeyntii waxa si aad ah u cuslaatay dooda taaso markii dambe sababtay in qaar ka mid ah xubnihii kulanka isugu yimid iney isu gacan qaadaan, waxaane lagu soo kala tegay kulankii isagoo aan wax natiija ah eysan ka soo bixin. MAXAY ISU CASILEEN LABADA WASIIR? Arrintii ka dhalatay kulankii ka dhacay Maqaayadii ku tiilay xarunta Xalane waxa ey soo dedejisay iney xilalkoodii iska Casilaan Wasiiradda kala ah: (1)-Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qorhseynta iyo Maalgashiga ee XFS Md.C/rashiid Jire Qalinle. (2)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee XFS Md.Axmed Cismaan Daqare,labadaan masuul ayaa taabacsan aragtida uu qabo MW-Axmed inkastoo ey ka soo kala jeedaan Gobolada J/Hoose iyo Gedo sida ey u kala horeeyaan.

ISHA-SB-MEDIA.