SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRADDA ARRIMAHA DIINTA EE WADAMADDA ISLAAMKA OO..

(SAWIRKA)-SHIRKA JIDDAH.

(JEDDAH-KSA)-Maalintii shalay oo Isniinta ahayd waxaa magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ka furmay shirkii afaraad ee Adeega Xajka iyo Cumaradda,shirkaas ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumaradda dalka Boqortooyadda Sacuudiga iyo Barnaamijka Khibradda ee Xujeyda. Ku-Xigeenka maamulka Makkah Amiir Sacuud Bin Mashcal Bin C/casiis ayaa daah furay munaasabadda,waxaane ka soo qeybgalay Wasiirka Xajka iyo Cumradda Tawfiiq AL-Rabiic, Wasiiro ka tirsan Wadamadda Islaamka iyo Wakiilo ka kala socday 87-dal. Wasiirka Xajka iyo Cumradda dalka Boqortooyadda Sacuudiga Tawfiiq AL-Rabiic ayaa shaaca ka qaaday in tirada guud ee Xujaayda iyo kuwa soo Cumreystay ee tegay Makkah iyo Madiina sannadkii inaga tegay ee 2024-kii ey gaareen tiro taariikhi ah oo waxa ey gaareen 18,535,689-Qof oo ey ku jiraan 16,924,689-Qof waa ey soo Cumreysteen halka 1,611,310-Qof ey soo Xajiyeen. Munaasabadaan oo socon doonto muddo afar maalmood ah ayaa hal ku dheg looga dhigay”JIDKA NUSUK”,waxaane ka soo qeybgalay in ka badan ilaa 3-boqol Hayaddood oo Maxali ah iyo kuwa Caalami ah kuwaaso soo bandhigay hal abuuro iyo Teknoolojiyo si kor loogu qaado khibradda Xajka iyo Cumradda. Mawduucyadda muhimka ah ayaa waxaa ka mid Saadka,Gaadiidka,Maareynta Dadka,Guriyeenta,Soo dhaweynta iyo Cuntada,tiirka hagaajinta cibaadada iyo adeegyadda Xajka,sida ey sheegtay Wasaaradda Xajka iyo Cumradda dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Munaasabadda ayaa waxaa ka mid ah 47-kulan oo dood ah,50-kulan oo aqoon is weydaarsi ah iyo in badan 130-qofood Maxali iyo Caalami ah oo wax ka dhihi doono Waaritaanka Saaxibnimada iyo Teknoolojiyadda ee degaanka,AI ee Maareynta dadka iyo xalalka Digitaalka ah,iyadoo la muujinaayo fursadaha bilawga iyo hal abuurka ee qeybta Xajka. Dhinaca kale, waxaa heshiisyo kala saxiixday Wasiiradda dalalka Pakistan,Hindiya iyo Indonisiay iyo Wasiirka Xajka iyo Cumradda dalka Boqortooyadda Sacuudiga,waxaane dalka Pakistaan loo ogaalaaday sannadkan-2025-ka Xujaay ey tiradooda dhan tahay ilaa 179,210-Xaaji,dalka Hindiya waxaa sannadkan 2025-ka loo ogolaaday Xujaay dhan ilaa 175,025-Xaaji halka dalka Indoniisya sannadkan 2025-ka loo ogolaaday Xujaay dhan ilaa 221-kun,heshiisyadaas la kala saxiixday Pakistaan waxaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Diinta Chauldhry Salik Xuseen,dalka Hindiya waxaa saxiixay Wasiirka Arrimaha dadka laga tirada badan yahay Kiren halka dalka Indoniisiya uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Diinta Nasrudiin Cumar .

ISHA-AN.