WASIIR LA AFDUUBAY DALKA BILJAMKA.
WASIIRKA CADAALADDA BILJAM.
(BRUSSELS)-Wasiirka cdaaladda dalka Biljam ayaa weli ku hoos sugan difaac xadidan maanta oo Isniin ah ka dib markii afar qofood oo lagu tuhmaayo ineey qeyb ka ahayeen shirqoolka wasiirka la qabtay,afartaan qof ayaa lagu eedeyey ineey galeen dembiyo la xiriiro Daroogada iyo afduub eey u gaysteen wasiir ayaa lagu xiray gudaha dalka Holland. Wasiir Vincen Van ayaa dhambaal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay “Inuu nabad qabo kuna sugan yahay gacan wanaagsan”.
ISHA WARKA AP.