SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR GABOOBE OO KA HADLAY DAGAALKA LAANDHEER.

(SAWIRKA)-WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG GABOOBE.

(GALMUDUG)-Maamulka Galmudug ayaa dhidibadda loo aasay sannadkii 2015-kii waqtigaas uu dalka Madaxweyne ka ahaay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,maamulka Galmudug ayaa waxaa ku nool Qabaa’ilo fara badan sida Hawiye,Daarood iyo Dir waxaane degaanada ugu badan degan Qabiilka Hawiyaha Daaroodka iyo Dirtuna waa ey degaan Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa ah maamul ey ka soo jeedaan inta badan Masuuliyiinta xilalka ugu sareeyo ka soo qabatay dalka Soomaaliya waxaane ugu horeeyo: (1)-Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud. (2)-Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. (3)-RW-Xasan Cali Kheyre. (4)-RW-Maxamed Xuseen Rooble. (5)-RW-Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid). Galmudug waxa ey ka mid tahay degaanada Soomaliyeed ee uu Aafeeyey dagaalka Qabaliga ah ee soo noqnoqda waxaane halkii sano ka dhaca intaas dagaal oo ey ku geeriyoodeen dad fara badan,hadaba maamulka Galmudug ee uu Hogaamiyo MW-QoorQoor muxuu wax uga qaban la’ayahay dagaaladda soo cusboonaaday ee ka jira Gobolka Galgaduud? MW-QoorQoor ma aha nin u diyaar ah amaba leh aqoon durugsan oo lagu kala badbaabdiyo shacabka walaalaha ah ee wada dega Galmudug gaar ahaan kuwooda dega Galgaduud sababo fara badan oo jira aawadood,waxaa hadda dagaal lagu hoobtay uu maamlmo ka hor ka qarxay Waqooyiga Galgaduud waxa uuna u dhexeeyaa dad walaala ah oo meel wada dega balse aan helin Dawlad kala badbaadisa taas bedelkeedana ka gurata Canshuurta iyo wixii kale ey sharci u sameysteen. Galmudug,waxa ey leedahay inta maamul dalka ka jira leeyahay waxa eyna qaban kari la’adahay inta maamul ayada la mid ah uu qabto,tusaale ahaan dagaalka u dhexeeyo Qabaa’iilka dega Galgaduud waxa uu noqday mid si joogta ah u soo noqnoqda hadane looma haayo Ciidan gaar ah uu leeyahay Maamulka Galmudug oo loo diri karo Goobaha ey ka dhacaan shaqaaqooyinka waayo Hogaanka maamulka ayaan ahayn mid u diyaar ah inuu wax qabto balse jecel inuu kursiga isaga sii fadhiyo,Ogow in waqti xileedka MW-QoorQoor uu ku ekaay bishii Feberaayo-2024-ka hadane uusan rabin inuu qabto Doorasho taas bedelkeedana uu heshiis kula soo galay Dawaladda Federaalka inuu kala qeyb qaadan doono dagaalka Ashabaab ee ka socdo qeybo ka mid ah degmooyinka Galmudug,MW-QoorQoor waa shaqsig lugta qabtay wejigii hore ee dagaalka Alshabaab ilaa Ciidamadu ey isaga soo baxaan goobihii ey horay u qabteen. Maamulka Galmudug oo la daalaa dhacaay Diif,Dar Xumo iyo Dayac aan cidi uga garaabeyn ayaa hadda isku dayey inuu wax ka qabto colaada ka taagan Galgaduud,waxa uuna maamulku magacaabay Wasiiro aan waxba kala socon degaan kuna fadhiya kursi qabiil leeyahay loona yeero markii loo baahdo inta kalane dalka dibadiisa amaba caasimadda Muqdisho isaga nool,Wasiiradda Hawlgabka ah ee uu magacabay QoorQoor ayaa kala ah”C/weli C/lahi Jaamac, Cumar Maxamuud Maxamed, C/risaaq Maxamed Jaamac, C/qaadir Sh.Xasan Ismaciil iyo C/qadar Axmed Maxamuud”. Dagaalka hadda socdo ayaa waxa uu yahay mid aad u xun kana socdo degaanka Laandheer kuna yaalo dhulka u dhexeeyo Degmada C/waaq iyo degaanka Xeraale,dagaalkan ayaa salka ku haayo Aano Qabiil,waxaane la soo sheegayaa iney ku dhinteen dad ka badan 30—Qof eyna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo labada dhinaca ah.

ISHA/SB-MEDIA.