SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR FIQI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…

(SAWIRKA)-WASIIR IYO MADAXA ICRC-DA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS Md.Axmed Macallin Fiqi,ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Gudiga Caalamiga ah ee ururka Laanqeerta Cas(ICRC) u qaabilsan dalka Soomaaliya Md.Antoin Grand,isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo Iskaashiga iyo dardargelinta dadaaladda Iskaashi iyo Hindiseyaasha Bani’adanimo ee muhimka ah si wax looga qabto xaaladaha jira. Wasiir Fiqi ayaa cadeeyey muhimadda iskaashiga dalku la leeyahay ICRC-da si loo taageero bulshooyinka Nugul,loona wanaajiyo habka loo bixinaayo gargaarka bani’adanimo.

Dhinaca kale,Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda kaga gudoomay nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga ee Danjiranimo Safiirka Cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan Md.C/raxmaan Khaliil Axmed. Wasiir Fiqi ayaa Safiir C/raxmaan u rajeeyey inuu guul ka gaaro hawlaha loo igmada,isaga oo cadeeyey in Soomaaliya ey ka go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeyo dalka Suudaan,isagoo bogaadiyey guulaha balaaran ee Ciidamadda Qalabka sida ee Suudaan ey soo hoyeen,waxa uuna xusay muhimadda ey leedahay Suudaan Mideysan,Xasilloon oo Nabad ah.

ISHA-SNTV.