SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR FIQI OO KA QEYBGALAY SHIRKA WASIIRADDA…

(SAWIRKA)-WASIIR AXMED MACALLIN FIQI.

(DAR ES SALAAM)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Tanzaniya ee Daarasalaam ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Md. Axmed Macallin Fiqi uu maanta ka qeybgalay kulan heer Wasiir ah oo loogu gogol xaaraayo shir Madaxeedka Wadaaga ah oo ey isugu imaanayaan xubnaha ka kala tirsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC) iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika(SADC) oo la qorsheeyey inuu ka qabsoomo magaaladda Dar Es Salaam ee dalka Tanzaniya,waxa uuna socon doonaa muddo dhan laba maalmood(7/2 ilaa 8/2/2025)-ta. Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in laga soo saaro talooyin,go’aamo iyo War Murtiyeed Qabya ah oo Madaxda dawladuhu ku falanqeyn doonaa inta aan la faafin,iyadoo diiradda lagu saari deminta Xiisadda Joojinta Colaada iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah. Soomaaliya oo hadda ah Xubin aan joogta ahayn ee Golaha Amaanka Qaramada Middobe ayaa waxaa ka go’an iney ku baaqdo xal diblomaasiyadeed oo ku qotoma nabad iyo wada hadal in lagu maareeyo qalalaasaha taagan. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa la filaa inta uu shirku socdo inuu kulan doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedyadda EAC iyo SADC.

ISHA-SNTV.