SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR FIQI OO ADKEEYEY MUSHRAXNIMADDA FAWSIYA.

(SAWIR)-KA.WASIIR AXMED M.FIQI.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadda iyo boggaga Internet-ka lagu falanqeynayey arrinta ku saabsan Musharaxnimada Marwa Fawsiya X.Aden oo hadda u sharaxan iney qabato xilka ugu sareeyo Ururka Midawga Afrika ee ah Gudoomiyaha AU-da,xilkaan waxaa Marwa Fawsiya kula tartamaayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Md.Maxamud Cali Yuusuf, waxaane dhici karta in tiradda dadka u tartamaayo xilkaan iney intaas ka bataan waayo hadda waxaa fursadaan iska leh Wadamadda Bariga Afrika oo dhan eyna ka mid yihiin Itoobiya,Tanzaniya iyo labada Suudaan. Hadaba maxaa keenay hadal haynta xilkaas muhiimka u ah ummadda Soomaliyeed? Xildhibaanad Marwa Bashiir kana tirsan Golaha Shacabka ee BJFS ayaa waxa ey isu sharxday iney qabato Xilka Gudomiyaha Baarlamaanka adduunka,Xildhibaanadda ayaa isu diyaarisay tartankaas waxaane dhaqaale fara badan ugu deeqay Xildhibaanadda labada Aqal ee BJFS,nasiib darase Soomaaliya ayaa isaga hartay tartanka ka dib markii uu codsi kaga yimid dawladda Tanzania oo hadda iyadu ah Madaxweynaha Baarlamaanka adduunka,waxaane arrintaan ka dhashay muran xoogan oo siyaaasadeed waane midda hadda keentay in laga doodo in Xildhibaanad Fawsiyo mari doonto jidkii Xildhibaanad Marwa Bashiir iyo in kale balse la arki doonee. Arrintaan taal suuqa siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa ka jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md.Axmed Macalloin Fiqi waxa uuna sheegay in Xildh.Fawsiya tahay Musharaxadda ku meteleyso Soomaaliya tartanka loo gelaayo xilka Gudoomiyaha AU-da.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA AKHRISO.