SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR CARAB IYO GUDOOMIYE FILISH KEEBAA KHALDAN?

(MUQDISHO):Marka laga hadlaayo arrimaha dalka Soomaaliya waxaa loogu yeeraa JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA,yaa ka faa’iidaystay nidaamkan federaalka ee aan ku taagnayn cagaha adag?Yuu dhibaato ku yahay nidaamkan federaalka ee hadda ka jira Soomaaliya?Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya muxuu ka qabaa qaabka eey goboladda dalka wax u qeybsadaan?Gobolka Banaadirse ma yahay mideey dani ugu jirto federaalka liita ee looga dhaqmo Soomaliya?Akhristaw maxayse adiga kula tahay?

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku xusan sideed iyo tobankii gobol ee dalku lahaay markeey shaqeynaysay dawladdii Kacaanka,tusaale ahaan tirada xildhibaanada aqalka sare ee soomaaliya waa konton iyo afar(54) xildhibaan kana kala yimid 18-kii gobol,goblka Banaadir waa uu ka qatan yahay mana laha cid ku metesha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya,gobolka Banaadir sida la sheego waxaa ku dhaqan laba ilaa seddex milyan oo qofood waane gobolka kaliyah eey dadkiisu bixiyaan canshuurta dawladda,ilaha dhaqaale ee gobolka Banaadir waa ilaha dhaqaale ee dawladda federaalka soomaaliyeed tan iyo sannadkii-2000.Maamul goboleedyadda Jubaland iyo Puntland waxa eey leeyihiin garoomo diyaaradeed iyo dekado dhaqaalaha ka soo galo waxaa loogu daraa qeybtii ka soo gaartay dawladda federaalka soomaaliyeed dhinaca awood qeybsigana waxa eey ula siman yihiin goboladda kale oo waa (4.5),marka la fiiriyo dhinaca waxbarashadda maamuladda dalka ka jiro waxa eey u madax banaan yihiin maamulka waxbarashadooda waxaaneey helaan saamiga kaga soo hagaaga deeqaha waxbarashada dibadda loo aadaayo laakinse gobolka Banaadir intaasba waa ku qatasan yahay oo lama yaqaano halkeey martay deeqdii waxbarasho ee loogu talagalay,hadaba maalmahaan waxaa faraqa is haystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo hiddaha iyo tacliinta sare Mudane Carab iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah duqa caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Filish arrinta eey isku haystaan ayaa ah yaa maamulaayo waxbarashada gobolka banaadir?,haddii aan is xusuusino wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashadda Mudane Xildhibaan C/laahi Goodax Barre waxa uu meel fagaara ah waxbarashaddii gobolka banaadir ugu wareejiyey maamulka Gobolka Banaadir laaknise wasiir Carab oo arrintaas wareejinta u arkay mid isaga dhib ku ah lehne goobo caafimaad oo ku yaalo dhul dan guud ah ayaa is hortaag ku sameeyey inuu shaqeeyo qaraarkii wasiir Goodax Barre,maanta oo Isniin ah(8/11/2021)-ka wasiir Carab waxa uu soo saaray go’aan uu ku joojinaayo dhammaan lacagihii laga qaadayey ardayda,iskuuladda iyo goobaha kale ee waxbaarsho kana furan gobolka banaadir isagoo taas uga dan leh in maamulka gobolka uu u daayo isbitaalo uu isaga ka furay goobo dan guud ah sida xaruntii ubaxa kacaanka ee ku taalo degmada wardhiigleey agagaarka huteelka faloorensa,waxaase wax la yaab ah in wasiir Carab yiraahdo lama ijaaran karo dhul dan guud ah isagana uu manaacfacsado dhul dan guud ah eey leheed wasaaradda waxbarashad ee dawladdi hore,go’aanka wasiir Carab soo saaray maanta ayaa waxaa taageeray mid ka mida madaxda daladaha waxbarashadda dalka(SAFE) mudane Keyse Mayow Abul Xuseen ee aan rabin in ardayda soomaaliyeed ee danyartu dhashay helin waxbarasho lacag la’aan ah waxayna aradyda baraan manhaj dal kale leeyahay waxaane sidaas ku lumay taariikhda dalka soomaaliya iyo juqaraafiga dalka soomaaliya.

HALKAAN KA DHEGAYSO ARRIMAHA TAAGAN.