SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR AXMED MACALLIN FIQI OO SOO GAARAY NEW YORK.

(SAWIR)-KA. WAFDIGA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Wasiiraka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay magaaladda New York ee dalka Maraykanka isaga oo hogaaminaayo Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgelaayo Meertada 78-aad ee Fadhiga Guud ee Qaramadda Midoobe kaaso lagu dooran doono Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe,doorashada ayaa lagu wadaa iney qabsoonto maalinta Khamiista bishuna tahay lixda(6/6/24)-ka. Laga bilaabo 1-da Janaayo sannadka 2025-ka,Soomaaliya iyo Xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka waxa uu bilaaban doonaa muddo xilloodkeeda oo ku eg 31-ka bisha Diseembar-2026-ka. Musharxnimada Soomaaliya ee kursiga Furan ee Afrika xilligan u gaarka ah wadamadda Bariga Afrika,waxa ey ku hannan doontaa si aan tartan ku jirin,taasi oo la jaan qaadeysa hanaanka kaltan wareega ee Afrika. Soomaaliya ayaa Musharaxnimadeeda ku dhawaaqday sannadkii 2018-kii,waxa ey si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa Meertadiisii 44-aad ee Golaha Fulinta ee Midawga Afrika ee qabsoomay bishii Feberaayo ee sannadkan 2024-ka. Soomaaliya oo Xubin ka ah Qaramadda Midoobe tan iyo sannadkii 1960-kii,waxa ey horay xubin uga noqotay Golaha Amaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971 ilaa 1972-dii,waxay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaada dhigidda iyo go’aan ka gaariadda Arrimaha Nabadda iyo Amniga Caalamka.

ISHA/SNATV.