SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR AFKA FURTAY SHEEGAYNE….

(SAWIRKA)-WASIIR CABDIRISAAQ.

(DH/MAREEB)-Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Madaxweynaha G/Mudug Axmed Cabdi Kaariye(QoorQoor) xil ka qaadid ku sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.C/risaaq Maxamed Maxmuud,MW-QoorQoor ayaan sheegin sababta keentay in xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirkii Gaadiid iyo Duulista Hawada ee maamulka G/Mudug. Shir Jaraa’iid uu maanta ku qabtay Wasiir C/risaaq ayuu kaga hadlay sababta keentay in xilka laga qaado waxa uun arrintaas ku sheegay inuu isaga ka horyimid dhaqaale la dhunsaday kaaso wax looga qaban lahaay Garoonka diyaaradaha Dh/mareeb iyo Dekeda Hobyo oo labaduba hoostagaan maamulka G/Mudug,Wasiir C/risaaq ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda G/Mudug Farxaan Cali Gaban uu lunsaday Milyan doolar oo loogu talagalay Garoonka diyaaradaha Dh/mareeb.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.