SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASAARADDA QOYSKA IYO WAKIILKA AU OO..

(SAWIRKA)-WASIIRAD KHADIJA IYO WAKIILKA MIDAWG AFRIKA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Amb.Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabishay Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika Danjire Maxamed EL-Amine Souef. Kulankan oo ey Wasiiradda ku wehliyaan Agaasimaha Guud iyo khubaradda Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa Horumarinta iyo Awood siinta Haweenka,ilaalinta Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Xuquuqda Caruurta iyo dadka Naafada ah iyo sugnaanta badqabka dadka Rayidka ah. Wasiirad Khadiija ayaa uga mahad celisay Danjiraha kaalinta Naf hurnimada leh ee Midawg Afrika ka qaatau arrimahaas iyadoo xustay muhimadda iskaashiga dhaw oo dhexmara Wasaaradda iyo Midawga Afrika si kor loogu qaado dadaaladda Xuquuqul Insaanka.

ISHA-SNTV.