SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASAADDA GANACSIGA OO SOO SAARTAY….

(sawirka)-qpraalka wasaaradda ganacsigaiyo warshadaha.

(MUQDISHO)-Iyadoo la raacaayo Amarkii Madaxweyne ee ku Taariikheysnaay 4-tii Diseembar ee sannadkii 2024-kii kaasoo dhigaayo inaan lala macaamili karin lana maalgelin karin kooxaha Argagixisada caalamiga ah ee ka jira dalka Soomaaliya,ayey Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA oo ka duuleysa Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud shalay oo Isniin ahayd soo saartay Digniin ku socoto Ganacsatada, Dallaaliinta iyo Darawaladda Gaadiidka ee la macaamila amaba siiya lacagaha baada ah ey Argagixsada weydiistaan. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadana maanta waxa ey soo saartay Digniin ku socoto Ganacsatada ”XOOLAHA,BEERAHA,WARSHADAHA,KALLUMEYSIGA,BIYAHA IYO TAMARTA,ADEEGYADDA XIRFADLAYAASHA, ISGAARSIINTA,DHOOFINTA IYO SOO DEJINTA,BANGIYADDA IYO XAWAALADAHA, HUTEELADA, GOOBAHA DALXIISKA IYO FARSHAXANKA,ADEEGA DUULIMAADYADDA IYO SAADKA”. Wasaaradda ayaa qoraalkeeda waxa ey ku xustay iney tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ey ku cadaato iney Argagixisada la macaamisho,la shaqeyso,U fududeysa,dhaqaale ugu yaboohda,U hogaansanta awaamiirtooda laga qaadi doono talaabooyinkaan soo socdo ee kala ah": (1)-In lagala laaban doono Diiwaangelinta iyo Shatiyadda Ganacsi ee Shirkadda ama Ganacsadihii lagu helo inuu la shaqeey Alshabaab. (2)-In Ganacsadihii ey ku cadaato inuu u hogaansamo awaamiirta Alshabaab ama siiya dhaqaale Maaliyadeed uusan dib dambe uga Ganacsan doonin dalka Soomaaliya. (3)-Shirkaddii ey ku jiraan Xubno ka mid ah Argagixisada Alshabaab ama Wakiil uga noqdo Ganacsigooda, waxaa lagala wareegayaa dhammaan wixii Hanti Guurto iyo Ma Guurto ah ey shirkadaasi leheed. (4)-Shirkaddii ama Ganacsadihii lagu helo u kala gudbin dhaqaale ee kooxda Argagixisada,waxaa la baabi’inayaa jiritaanka Ganacsigooda.

ISHA-SNTV.

HALKAN KA AKHRISO.