WARIYE LAGU XIRAY UGAANDHA.
Wariye sare una shaqeeyo wakaaladda wararka u faafiso dalka Jarmalka”Germany’s Deutch Press Agentur” ayaa lagu xiray saldhiga ku yaalo Hotel-ka Imperial Resorth Beach ee garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaaladda Kampala dalka Ugaandha ka dib markii uu wariyuhu waraystay qaxooti reer Afgaanistaan ah sida eey shegeen ila wareedyo laga soo xigtay masuuliyiin sare,Hotel-ka Imperial Resorth Beach ayaa hadda hooy u ah qaxootiga reer Afgaanistaan.Wariyaha sare ee la xiray ayaa la yiraahdaa Henry Waswa waane lixdan(60)-jir,waxaane wariyaha la xiray maalintii khamiista ahayd ee la soo dhaafay ilaa iyo hadana wariye Henry ayaa ku xiran saldhiga booliska ee garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee magaaladda Kampala,wariyaha ayaa loo haystaa inuu dembi ku galay dala shisheeye.Hayadda u dooda xuquuqda wariyeyaash reer Ugaandha(HRNJ-UGANDA) ayuu wariye Henry u sheegay inuu samaystay boos celis(BOOKED) hal habeen ah bixiyeyna lacag dhan boqol iyo lixdan iyo todobo doolar oo doolarka Maraykanka ah($167).XIGASHO ANADOLU.