SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WARGAYS WAX KA QORAY ABWAAN HADRAAWI.

HADRAWI.

(LONDON)-Maalintii Khamiista ee la soo dhaafay waxaa magaaladda Hargaysa ee maamulka Somaliland ku geeriyooday allaha u naxariistii Abwaankii gayiga Soomaaliyeed caanka ka ahaay AUN-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi,Abwaanka ayaa in muddo ah waxa uu ku xanuunsanaay magaaladda Hargaysa uu deganaay muddooyinkaa dambe. AUN-Hadraawi ayaa ahaay sugaanyahan Soomaaliyeed tiriyeyne gabayo aad u fara badan sameeyeyne Heeso nuuc walba leh iyo Maanso taxana ah,dhimashada Abwaan Hadraawi ayaa waxaa ka hadlay warbaahino kala duwan kana hawlgala dalal kala gedisan Wargayska Alayaam kana soo baxa dalka Yaman waa uu ka hadlay Abwaan Hadraawi waxaa isna ka hadlay Wargayska laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska ee THE GUARDIAN, dhammaan wargaysyada ayaa xusay suugaantii uu sameeyey Abwaan Hadraawi.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.