WAREEGTO KA SOO BAXDAY XAFIISKA RW-XAMSE OO…
(SAWIRKA)-RW-XAMSE CABDI BARRE.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Gudi ka shaqeeya Ololaha Doorshada Soomaaliya ugu jirto Hogaanka Sare ee Ururka Midawga Afrika(AU),Gudiga uu magacaabay RW-Xamse ayaa ka kooban ilaa lix xubnood oo ka wada tirsan Golaha Wasiiradda ee XFS,kursiga Midawga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga tartamaayo Xildhibaanad Fawsiya X.Aden waxaane ilaa hadda la shaaciyey inuu isagana u sharaxan yahay kursigaas ninka mucaaradka ah ee dalka Kenya caanka ah ee Raila Odinga. Waqti hore oo bishaan ah ayaa waxaa la soo saaray in kursigaan ey u tartami karaan Dumar kaliyah shaqsiyaadka isu soo taagayana ey yihiin kuwa ka soo jeedo Geeska Afrika,arrintaas weli waa ey taagan tahay oo lama yaqaan waxa iska bedli doono mustaqbalka waayo doorashada ayaa dhici doonto Feberaay-2025-ka.
ISHA/HIIRAAN.