SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAREEGA 3-AAD EE WADA HADALADDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

(ANKARA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Turkiga ee ANKARA ayaa sheegaayo in halkaasi uu gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxmud iyo wafdigii uu hogaaminaayey eyna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Xildhibaam Mahad Maxamed Guuleed, Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA C/laahia Sambalooshe,Wasiirka G/dhiga Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac), waxaane halkaasi si diiran ugu soo dhaweyey wafdiga masuuliyiin ka socotay dawladda Turkiga iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumada rasmi waxa uu ka helay dhigiisa Turkiga Reccep Tayyip Erdogan,waxaane la sheegayaa in booqashada Wafdiga Soomaaliya ee Turkiga ey daaran tahay arrimo Siyaasadeed oo salka ku haayo xiriirka sii xumaanaya ee dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaaso hadda gaaray heerkiisii ugu xumaay. Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa ayaa caasimadda Ankara u soo gaaray ka qeybgalka wareega seddexaad ee wada hadaladda u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaane horay dalka Turkiga uga dhacay laba kulan oo ku soo dhammaday guul darro amaba fashilmay. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta Madax Banaanidda, Midnimadda iyo Wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,dhinaca kale,Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dawaladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aadan fududeynta wada hadaladda iyo Hogaaminta geedi-socodka lagu raadinaayo xal waara laga gaaro arrintaan. Wararka ayaa intaas ku deraayo in shirka uu dhici doono maalinta Arbacada ah.

ISHA-SNTV.