SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA G/SH/DHEX.

HOGAAMIYIHII ALSHABAAB EE LAGU DILAY MASAAJID CALI GUDUUD C/LAAHI CARAAYE(MIDIG-ISKU JOOGA WATA).

(H/SHABEELE)-Weli waxaa si xawli ah u socdo dagaalka looga xureynaayo degaanadda ey Alshabaab ka joogaan gobolka Shabeeladda Dhexe gaar ahaan xarumahooda ugu waa weyn ey ka mid tahay Masaajid Cali Guduud balse Alshabaab u yaqaan Tawfiiq iyo degmada A/yabaal, shalay oo Sabti ahayd waxa uu dagaal culus ka dhacay Masaajid Cali-Guduud waxaane halkaas jab xoogan loogu gaystay kooxda Alshabaab oo isku dayey ineey dib u qabsadaan goobihii laga qabsaday markii la weeraray, Alshabaab ayaa waxa eey soo dagaal geliyeen dad eey u arkeen ineey yihiin kuwa iyaga taabacsan uguna qeybsanaay beesha halkaas degto,waxa eyna Alshabaab halkaasi ka sameeyeen Nabadoono ayaga la jira balse aan wax xiriir ah la leheyn beesha odayaasheeda,hadaba dagaalkii shalay ka dhacay Masaajid Cali Guduud ayaa waxaa lagu dilay hogaamiyeyaal caan ka ah degaanka Masaajid Cali Guduud kana tirsanaay Alshabaab waxaane ka mid ah:

1-C/laahi Muxyadiin,waxa uu ahaay Amiirka ugu sareeyey kooxda Alshabaab ee Gobolka Shabeeladda Dhexe gaar ahaan Masaajid Cali Guduud.

2-C/laahi Cali Caraaye,waxa uu ahaay Amiirkii Alshabaab u qaabilsanaay Beesha WarsanGeli-Abgaal ee degta Masaajid Cali Guduud waxa uuna ku dhintay weerarkii diyaaradaha DRONES-ka,Caraaye ayaa ka soo muuqday Video eey kooxda soo bandhigtay isagoo sheegaayo inuu difaacaayo Diinta Alle.

3-C/laahi Afmadoobe,waxa uu C/laahi ahaay sarkaal sare oo kooxda Alshabaab u keentay Masaajid Cali Guduud inuu u caburiyo shacabka degaanka.

4-Macallin Caadeey,waxa uu ahaay ninka xoolaha baada ah(Zakawaat) dadka reer Masaajid Cali Guduud ka soo qaadi jiray,ninkaan ayaa la isku dhex wadaa waa dhaawac halis ah iyo waa uu geeriyooday balse waxa la soo sheegaa in la geeyey A/Yabaal isagoo dhaawac halis ah qaba.

5-Ibrahim Wehliye,waxaa isna la soo sheegaa inuu soo gaaray dhaawac halis ah lana geeyey A/Yabaal halkaasne uu ku geeriyooday.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA.