SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WARARKA SOOMAALIYA KUWOODII UGU DAMBEEYEY.

Tan iyo laba iyo tobankii bishaan abriil(12/4/2021)-ka oo ahyad maalintii uu golaha shacabka soomaaliya uu muddo kordhin u sameeyey hayadaha dawladda muddo dhan laba sano ayuu dalku galay xaalada aad u adag oo dhinaca amniga ah,waxaane dhacday in taliyihii boolisk gobolka banaadir Gen.Saadaq Cumar Xasan(Saadaq Joon) uu si aad uga horyimid mudo kororsigaas waxaeeyna taasi sababtay in Gen.Saadaq xilkii laga qaado loona dhiibo taliye kale eey isku reer yihiin horayne u haystay ciidamadda uu soo tababaray Turkiga loona yaqaano Haramcadka Taliye Farxaan Qaroole,wixii markaas ka dambeeyey waxa eey magaaladda Muqdisho gashay xaalad amni oo aad u cakiran iyo cabsi baahsan oo soo wajahday shacabka magaaladda.Arrinta muddo kordhinta ayaa waxaa ka biya diiday beesha caalamka oo eey ugu horeeyaan Maraykanka,Ingiriiska iyo Jarmalka waxa eeyna hadda arrin isugu soo biya shubatay ka dib markii golaha amaanka ee qaramadda midoobay uu fadhi ka yeeshay arrintaan mudo kororsiga in madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Farmaajo la kala doorsiiyo:

1-Inuu dib ugu laabto wada hadaladii teendhada Afisyooni iyo inuu xaliyo khilaafka doorashooyinka ka taagan.

2-Inuu iscasilo haddii uu diido inuu sameeyo qodobka hore.

Waa halka eey arrini marayso waqtigaan wixii soo kordhana waan arki doonaa.

DIL KA DHACAY MUQDISHO.

Waxaa degmada Wadajir ee G/Banaadir lagu dilay C/raxmaan Kamaal Sheekhaay oo xubin ka ahaay golaha degaanka degmada Warsheekh ee G/Sh.Dhexe,dilka C/raxmaan ayaa waxaa fuliyey laba nin oo ku hubaysnaay bistoolado agagaarka siliga Maraynka,C/raxmaan ayaa marka la tooganaayey fadhiyey maqaayad laga cabo shaahiga.

HOOBIYEYAAL KU DHACAY XAAFADAHA MUQDISHO.

Waxaa maanta hoobiyeyaal lagu weeraray madaxtooyadda soomaaliya balse hoobiyeyaasha ayaa waxa eey ku dheceen xaafadaha ku dhaw madaxtooyadda waxaane ku dhintay seddex dhaliinyaro iyo cunug yar oo saqiir ah,hoobiyihii ku soo dhacay safaaradii hore ee Jarmalka ee ku taalo degmada B/dheer ee G/Banaadir ayaa waxaa ku dhintay laba gabdhood oo walaala ah iyo wiil dhallinyara ah,gabdhaha walaalaha aha aya ala kala dhihi jiray Fadxi Cadaw Cali iyo Faa’iso cadaw cali oo midood ka qalin jebisaya jaamicadda Muqdisho kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka halka geberta saqiirka ah lana yiraahdo Faa’iso Saleebaan waxaane habar yar u ah labada la dhimatay(Fadxi/Faa’iso),wiilka dhallinyarada ah ee isna ku dhintay hoobiyeyaasha ayaa la dhihi jiray C/casiis maxamed xasan arday ka ah dalka Turkiga.

DEGMADA MARKA.

Waxaa magaaladda Marka ee G/Sh.hoose ee maamulka KGS maanta ka dhacay dil aad u fool xun oo eey geeysatay haweeneey lagu magacaabo NIMCO,falka ayaa ah in Nimco eey mindi ku dishay ninkii ayada qabay aabihiis oo la yiraahdo Cismaan waxa eeyna NIMCO dhaawacday ninkeeda oo la yiraahdo XASAN,booliska magaaladda Marka ayaa hadda gacanta ku haayo NIMCO kuna sameyhaayo baaritaan.

DIYAARIYE-ABKEEY

MUQDISHO-SOMALIA.