WARAR DHEERI AH OO LAGA HELAY QARAXII SHALAY KA DHACAY CADAN.
(YAMAN):Magaaladda Cadan ee ku taalo koonfurta dalka Yaman waxaa shalay galab ka dhacay qarax lagu dhijiyey baabuur eey la socdeen qoys saxafiyiin reer yaman ah waxa eeyna qoyska u socdeen waqtiga uu haleelay qaraxa isbitaalka hooyadda ee magaaladda Cadan ee ku yaalo degmada Khoormaksar,waxaane la soo sheegay in saxafiyadda la yiraahdo Rasha’a Cabdallah una dhaxda saxafiga la yiraahdo Maxamuud al-Cutmi in labadoodu eey si wadajira ugu shaqeynaayeen Tv-ga Al-Ceyn ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.Rasha’a Cabdallah ayaa isbitaalka loo geeynaayey ineey ku umusho cunugeedii labaad markii uu haleelay qaraxa loogu xiray baabuurka ee laga xukumaayey meel fog,Rasha’a iyo wiilkeeda Jawaad oo laba jir ahaay ayaa isla goobta qaraxa ka dhacay ku geeriyooday waxa uuna dhaawac culus soo gaaray wariye Maxamuud waxaane maanta la amray in wariye Maxamuud loo qaado dibadda dalka Yaman si halkaas loogu soo daaweeyo,wariye Maxamuud oo u hadlay saxafiyiinta Cadan ayaa u sheegay in qaraxa eey ku dhinteen xaskiisa Rasha’a iyo wiilkiisa Jawaad eey ka dambeeyaan Xuutiyiinta waayo ayuu wariye Maxamuud magaaladda Xudayda ee dhacda galbeedka Yaman ayey iga soo ceyriyeen sabab la xiriirto Tv-ga aan u shaqeeyo oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta kana mida xulafada la dagaalamayso Xuutiyiinta.Arrintaan la xiriirta qaraxyada laga xukumo meel fog horay ugama jirin dalka Yaman waane qaraxii seddexaad oo sidaan oo kala ah kana dhaca dalka Yaman gaar ahaan magaaladda Cadan,marka la fiiriyo warbixinti dhawaan la soo saaray kana hadleeysay in hub lagu sameeyey dalka Iraan soona maray gacanta Xuutiyiinta dalka Yaman soo galo dalka Soomaaliya,waxaa cad in dadka ka ganacsada hubka sharci darrada ah kuna kala sugan Soomaaliya iyo Yaman uu ka dhexeeyo wax isdhaafsi dhinaca hubka ah waxaane taas u markhaati ah qaraxyadaan lagu xiraayo baabuurta oo aan laga aqoon yaman hadana noqday mid macruuf ka ah Yaman.ISHA WAKAALADAHA.