WARAKA LA XIRIIRO DOORASHADDA SOOMAALIYA.
Labaatankii sano ee ugu dambaysay soomaaliya waxa eey isku maamuleysay doorasho baarlamaani ah,doorashada ayaa dhacda afartii sanaba hal mar tii ugu dambaysayne waxa eey dhacday sannadkii 2016-kii. Baarlamaankii tobonaad(Aqalka Sare/Aqalka Hoose) ayaa la doortay bishii diseembar-2016-kii waxa uuna ka koobanaay Aqalka Sare(45) Senitar kana kala yimid Waqooyi Galbeed(11) Senitar,Puntland(11)-Senitar,Galmudug(8)_Senitar,Hirshabeele(8)-Senitar,Koonfur Galbeed(8)-Senitar iyo Jubbaland(8)-Senitar,dhammaan Senitaradaan ayaa waxaa soo xulaayo Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda shanta ah,halka xildhibaanadda Aqalka Hoose dhan oo yihiin(275)-xildhibaan loona qeybsaday qaabka(4.5) waane sidaan: Beesha Shanaad(31)-xildhibaan,Daarood(61)-xildhibaan,Digil iyo Mirifle(61)-xildhibaan,Dir(61)-xildhibaan iyo Hawiye(61)-xildhibaan,dhammaan xildhibaandaan ayaa laga soo dooranayaa shanta maamul goboleed,Waqooyi iyo Gobolka Banaadir. Doorsahadaan ayaa waxa ka muuqdo dib u dhac aad u weyn eeyna u sabab tahay dawladda federaalka soomaaliyeed taasoo aan qaban hawshii doorashada waqtigii loogu talagalay waxaane ilaa iyo hadda qabsoomay doorashadda aqalka sare waxa eeyna ka dhacday dhammaan maamuladda dalka marka laga reebo Hirshabeele iyo waqooyiga oo aan weli waxba ka sameeynin doorashadda aqalka sare,maamuladda soo dhammaystiray doorashadda aqalka sare ayaa kala ah:Puntland,Koonfur Galbeed halka Galmudug u hareen laba senitar,Jubbaland eey u hareen afar,waxane dhiman doorashadda aqalka hoose oo ah mid aad uga adag tan aqalka sare waayo waxaa soo xulaayo odayaal dhaqameed ka kooban boqol iyo kow halkii xidhibaan basle weli waxa uu muran ka taagan yahay tirada ergada iyo tirada goobaha lagu qabanaayo doorashada aqalka hoose, shir arrintaas la xiriira ayaa hadda waxa uu Muqdisho uga socdaa golaha wada tashiga qaranka kaaso furmay maanta oo sabti ah(21/8/2021)-ka balse dib uga dhacay waqtigiisa oo ahaay(19/8/2021)-ka kuna beegneed maalintii khamiista ee la soo dhaafay.
Waxaa diyaariyey/Abkeey.