WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADDA.
(SAWIRKA)-VILLA SOMALIA.
(MUQDISHO)-War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maanta oo Sabti ah 11/1/2025-ka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu maanta u ambabaxay dalka Ugaandha si uu uga qeybgalo Shir-Madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee CAADP. Madasha ayaa isu keeneysa Hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika si ey uga wada hadlaan maalgelinta iyo Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika,iyadoo la xoojinaayo doorka muhiimka ah ee Beeruhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada. Inta uu shirka socdo Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulamo gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha dalka Ugaandha Md.Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha dalka Kenya Willima Ruto. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ey ka mid yihiin Xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika,Iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah. Galabnimada maanta oo Sabti ah,MW-Xasan Sheekh Maxamud ayaa safar ku tegi doono dalka Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wada hadaladda uu la yeelan doono Madaxda Itoobiya ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan MW-Xasan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga,taaso ka tarjimeysa iskaashi cusub oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Socdaalka diblomaasiyadeed ayaa qeyb ka ah safaro balaaran oo uu ku maraayo Gobolka,kuwaaso ey ka mid ahaayeen booqashooyin guul ah sida booqashooyinkii uu ku tegay dalalka Eritereeya iyo Jabuuti. Intii uu ku sugnaay dalalkaas MW-Xasan ayaa mar kale xaqiijiyey sida ey Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhexeeyo dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda,horumarka iyo xasiloonidda Gobolka. DFS ayaa si xoogan uga shaqeyneysa xoojinta iskaashi Goboleed lagu gaaraayo Barwaaqo. Dadaaladaan ayaa la jaan qaadaayo aragtida Soomaaliya ee ku saleysan midnimo,iskaashi iyo horumar waara oo loogu daneynaayo dalalka Gobolka oo dhan.
ISHA-VILLA SOMALIA.