SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(SAWIR)-KA.GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(MUQDISHO)-Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee maalimihii la soo dhaafay sida habsamida leh uga socday Madaxtooyadda Qaranka ee VILLA SOMALIA ayaa maanta oo Jimca ah waxaa laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban afar Qodob,waxaane War Murtiyeedka lagu sheegay in dhinacyadu ey isku afgarteen Qodobo ey ka mid yihiin (1)-Sugidda Amniga iyo la dagaalanka Argagixisadda. (2)-Dhammaystirka iyo Dib u eegista Dastuurka iyo Xoojinta Dimuqaradiyadda. (3)-Arrimaha Bani’adanimadda. (4)-Goluhu waxa uu isku raacay in la dhaqangeliyo heshiisyadii horay loo galay. Shacabka Soomaaliyeed ee daneeya arrimaha Siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa filaayey in kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka ey ka soo bixi doonaan Qodobo khuseeyo Doorashooyinka Maamul Goboleedyadda dalka ka jira ee Goobjooga ka ahaay shirka Golaha,ma jiro maamul Goboleed eysan wax ugu darsamin waqti xileedkiisa marka laga reebo Maamulka H/shabeele oo isagu waqti xileedkiisa uu ku eg yahay November-2024-ka. In aan lagu soo hadal qaadin laguna soo darin Doorashooyinka maamul Goboleedyadda War Murtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa loo aaneynayaa iney tahay laba arrimood midood. (1)-Afarta maamul Goboleed oo ku kala aragti duwanaaday Qaabka loo qabanaayo Doorashooyinka,tusaale ahaan Maamuladda H/shabeele iyo G/mudug waxa ey dalbadeen waqti kororsi lana gaarsiiyo Doorshada sannadka 2026-ka waqtigaas ey dhacayso Doorashadda Federaalka,halka maamuladda J/land iyo K/Galbeed ey dalbadeen in doorashada la qabto November-2024-ka. (2)-In Doorashooyinka Maamul Goboleedyadda ey qabtaan maamuladda laftigooda DFS ey ka noqoto korjooge,taasne waxaa diidan Dwaladda Federaalka Soomaaliya oo rabta iney iyadda gacanteeda ku maamusho Doorashooyinka soo socdo ee maamul Goboleedyadda.

ISHA/CAASIMADDA.

SII AKHRI.