SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAR CUSUB OO KA SOO KORDHAY WEERARKII DUSIT D2.

(SAWIRKA)-WEERARKII HUTEELKA DUSIT D2.

(NAIROBI)-Baare ayaa weerarkii Argagixisanimo ee DUSIT D2 la xiriiriyey weerar la fashiliyey oo lagu qaaday Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyaata iyo Baarlamaanka. Iyagoo Marqaati furaayey dacwadii Huteelka la weeraray ayey Mire C/laahi Cali,Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Cabdi Cali ayaa lagu eedeeyey iney gacan ka geysteen weerarkii Dusit D2 ee sannadkii 2015-kii, komeeraha Guud Joseph Kolum ayaa Garsooraha Maxkamadda Sare Diana Kavedza in baaritaan lagu sameeyey Akoonka Facebook ah oo lagu magacaabo Maxamed Yare iyo Wes si fudud u tilmaamay qorshayasha weerarada KICC iyo Baarlamaanka. Lambarka Cabdulle ayaa lagu soo bandhigay wada sheekeysi dhexmaray Wes iyo Adamu Chege. Dhan kale,Chege ayaa la sheegay inuu ahaa Maskaxdii iyo fududeeyihii weerarka waxaane lagu helay inuu Facebook kula xiriiray Amiir-Xaamid. Baaraha waxa uu cadeeyey in Xamid uu ahaa Cadulle.

ISHA-TS.

HALKAN KA AKHRI.