WAR CUSUB EEY KENYA KA SOO SAARTAY WEERARKI HOTEL-KA DUSITD2.
Maskaxdii ka dameeysay weerarkii lagu qaaday Hotel-ka DusitD2 ee magaaladda Nayroobi dalka kenya ayaa waxa uu sameeyey 140-wicitaan dhinaca telefoonka ah si uu u fulo qorsha lagu weeraraayo Hotel-ka DusitD2.Dukument eey xareeysay dawladda Kenya ayey kaga hadashay qaabka loo qorsheeyey weerarka,dhaqdhaqaaqa argagixisada,kaalintooda iyo baxsadka mid ka mida furayaasha fuliyey hawlgalka oo la yiraahdo’VIOLET WANJIRU” loona yaqaano Kemunto waxa uuna dib ugu laabtay dalka soomaaliya.
Weerarka lagu qaaday Hotel-ka DusitD2 ayaa dhacay amaba lagu beegay taariikh ahmiyad u leh kooxda alshabaab taariikhdaasoo ku beegneed sannad guuradii 3-aad markii eey kooxda alshabaab qabsadeen xeradda ciidamadda Kenya eey ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo,waane markii ugu horeeysay eey Kenya si hubanti ah tafaasiil uga bixiso sida uu ahaay qorshaha weerarka lagu qaaday Hotel-ka DusitD2,waxa eeyna dawladda Kenya sheegtay inuu ku bilawday 22-wicitaan telefoon oo laga soo wacay lamabar laga leeyahay dalka soomaaliya ismiidaamiyaha “MAHIR KHALID RIZIKI”,waxa uuna Maahir ka yimid soomaaliya soona gaaray degmada Ceel Waaq Janaayo-11-2019-kii. XIGASHO THE STANADARD-KENYA.