WAR CULUS EY SOO SAAREEN MUCAARADKA PUNTLAND.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawladda Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaas uu maanta ka dhacay shir ey isugu yimaadeen Saamileyda siyaasadeed ee ku abtirsata degaanada Puntland,shirkaan ayaa lagu gorfeeyey xaaladda siyaasadeed iyo mida amni ee degaanadda Puntland,warsaxafadeed ey soo saareen Mucaaradka Puntland ayey Deni ku edeeyeen inuu ku dhawaaqay colaad si uu xilka xoog ugu sii joogo. Arrinta leh halisteeda eyna ka dhawaajiyeen Mucaaradka Puntland ayaa ah in Deni shiriyey saraakiisha ciidamadda Puntland isla markaasne uu faray iney ku difaacaan damaciisa muddo korosiga ah, War saxaafadeedka ka soo baxay Mucaaradka Puntland ayaa waxaa baaq loogu diray ciidamadda Puntland.
ISHA/HIIRAAN.