SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAFDI TURKI AH OO SOO GAARAY MUQDISO MAANTA.

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO WASIIR DURAN.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi Turki ah oo uu Hogaaminaayo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Prof.Burhanettin Duran,isagoo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka ah laguna kobcinaayo iskaashiga Itaraatiijiga ah laguna ballaarinaayo isdhaafsiga nacfiga ee labada dhinac. Wasiir Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan u gudbiyey Wasiir Fiqi isagoo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11/12/2024-kii. Intii uu socday kulanka, waxa ey labada dhinac xuseen muhimadda ey leedahay fulinta heshiisyadii la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh oo ey ku jiraan G/dhiga, Maalgashiga, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga ah iyadoo la xoojinaayo baahidda loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaayo horumar waara oo horseedayo koboc dhaqaale,hubin barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinaca ah. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Md.Isaaq Maxamud Mursal, Xoghayaha Joogtada ah ee Waaaradda Md.Xamsa Xaadaw iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda,iyada oo inta kulanka lagu guda jiray lagu wadaagay ka go’onaanshaha labada dal ee walaalaha ah Horumarinta iskaashi Itaraatiijiyadeed oo kor u qaadayadda dhinacyada muhiika u ah dano wadaaga. Dhinaca kale,wafdiga Turkiga ayaa maalintii khamiista ee la soo dhaafay waxa ey Addis Ababa kula soo kulmeen masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya kulankaas ayaa looga hadlay Baaqii Ankara kaaso ey kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya garwadeene ey ka ahaeed dawladda Turkiga.

ISHA-SNTV.