SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAFDI KA SOCDO ECOWAS OOM GAARAY…

KOOXDA AFGEMBISAY BURKINO FASO.

(BURKINO FASO)-Dalka Burkino Faso ayaa waxaa todaabaadkii hore ka dhacay afgembi eey sameeyeen ciidamo uu hogaaminaayo sarkaal seddex xidigle ah lana yiraahdo Traore,afgembigaan ayaa ah kii labaad ee dhaca dalka Burkino Faso isla sannadkaan 2022-ka,hadaba dhexdhexaadiyeyaal ka socdo gobolka galbeedka Qaaradda Afrika ayaa u ambabaxay dalka Burkino Faso maanta oo Isniin ah si eey halkaas ugula shiraan kooxda sameeysay afgembiga dalka Burkino Faso awoodne kula wareegtay talada dalka Burkino Faso,warar laga helay wafdiga ayaa sheegaayo in wafdiga ka socdo urur goboleedka ECOWAS ineey u safreen caasimadda Ouagadougou ee dalkaasi Burkino Faso ka dib markii madaxweynihii la afgembiyey Damiba uu u baxsaday dalka Burkino Faso la deriska ah ee Togo halkaaso uu wada hadal kula leeyahay dhexdhexaadiyeyaasha iyo hogaamiyeyaasha diimaha.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.