SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAFDI ISRA’IIL AH OO LOO DIIDAY INUU GALO XARUNTA AU-DA.

(SAWIRKA)-XARUNTA URURKA MIDAWGA AFRIKA.

(ADDIS ABABA)-Magaaladda caasimadda u ah dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxaa ka furmay shir sannadeedkii u dhexeeyey wadamadda Qaaradda Afrika,shirkaan ayaa ah midkii 44-aad ey isugu imaanayaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Wadamadda Qaaradda Afrika si ey ugu Gogol xaaraan shirka Madaxweynayaasha,hadaba ilo diblomaasiyadeed oo Afrikaan ah ayaa sheegay caawa oo Arbaca ah kuna beegan 14/2/24-ka in Ururka Midawga Afrika uu ka Horjoogsaday wafdi ka socdo dawaladda Isra’iil iney galaan Xarunta Ururka Midawga Afrika ee Addis Ababa si ey wadamadda Qaaradda Afrika ugu soo bandhigaan aragtidooda ku aadan dagaalka ka socdo Marinka Gaza,sida uu sheegay Telefishanka caalamaiga ah ee AL-Jazeera. Telefishnka AL-Jazeera oo soo xiganaayo ila wareedyo Afrikaan ah ayaa sheegay in Ururka Midawga Afrika uu u diiday in Agaasimaha Guud ee ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isra’iil inuu ka qeybgalo kulamadda Ururka ee ka socdo magaaladda Addis Ababa,ilo diblomaasiyadeed oo Afrikaan ah ayaa muujiyey in Isra’iil mar kale ey isku dayday iney ka dhaadhiciso wadamada Afrika qaarkood iney dalka Isra’iil ku taageeraan iney shirka Ururka Midawga Afrika uga qeybgasho ayadoo Xubin Goobjoog ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.