SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAFDI ALJEERIYAAN AH OO SOO GAARAY….

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO WAFDIGII ALJEERIYA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Madxtooyadda Qaranka ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Md.Kamaal Badri iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka gudoomay Md.Kamaal fariin iyo Salaan uu kaga siday Madaxweynaha dalka Aljeeriya Md.C/majiid Tabuune iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalka Aljeeriya iyo sisa ey uga go’an tahay Madaxdiisa Sare u qaadida xiriirka ey la wadagaaan Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ey uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ey ka qaadaneyso horumarinta iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.

ISHA-VILLA SOMALIA.