SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAAXDA LACAGTA MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN…

HOGAAMIYAHA XIZBULLAH XASAN NASRALAH.

(BEIRUT)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah cunaqabateyn ku dharbaaxay dhaqaalyahan sare oo reer Libnaan ah,ninkaan ayaa kaalmo maaliyadeed siiyo ururka Maraykanku u aqoonsan yahay Argagixisada ee Xizbullah.Waaxda lacagta dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn lid ku ah nin dhaqaalyahan ah iyo shirkadiisa samaysa sarifka lacagaha.Xasan Muqalid waa ninka isaga iyo shirkadiisa Maraykanku saaray cunaqabateynta,shirkada CTEX ayaa shirkada bixiso adeega sarifka lacagaha,shirkadaan ayaa ururka Xizbullah waxa ey u sahashay arrimaha dhaqaalaha oo Maraykanku horay cunaqabateyn u saaray. Xasan Muqalid iyo labadiisa wiil Rayan iyo Rani ayey Waaxda lacagta Maraykanka saartay cunaqabateynta aan la sheegin nuuca ey tahay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.