SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAA WIIL SOOMAALIYEED OO KU GUULAYSATAY ABAALMARINTA…

(SAWIRKA)-C/LAAHI MIRE.

(NAIROBI)-C/laahi Mire waxa uu ka mid ahaay dadkii Soomaaliyeed ee dalka ka qaxay markii uu ka dhacay dagaalka sokeeye waxa uuna C/laahi gaaray dalka Kenya,isagoo caruur ah ayuu C/laahi nasiib u yeeshay in loo aqoonsado inuu Qaxooti ka yimid dalka Soomaaliya laakinse hadda C/laahi Mire ayaa loo magacaabay inuu ku guulaystay abaalmarinta Qaaliga ah ey bixiso Hayadda Qaramada Midoobe u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR loona yaqaano “Nansen Refugee Award”. C/laahi hadda waa 36-jir waxaane loo aqoonsaday inuu 100-kun oo buug uu u keenay dadka ey isku dalka ka yimaadeen ee ku dhibaateysan Xeryaha Balaaran ee ku yaalo dalka Kenya. “Sannadkii hore ee 2022-ka,Angel merkel oo ahayd Reysal Wasaarihii dalka Jarmalka ayaa ku guulaysatay Abaalmarintaan Nansen Refugee Award,sannadkaane 2023-ka waxaa ku guulaystay wiil dhallinyara Qaxooti ah kana yimid xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab,cirku ma laha xad”sidaas waxaa VOA-da u sheegay C/laahi Mire.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.