WAA MAXAY UJEEDKA HADALKA DAYNIILE?
MALEESHIYAAD.
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya qeybo ka mida waxaa ka socdo dagaalo u dhexeeyo kooxda Alshabaab iyo dad shacab ah oo is abaabulay,kacdoonka shacabka midkiisa ugu weyn ayaa ka kala socdo maamuladda H/shabeele gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo maamulka Galmudug gaar ahaan degmada Cadaado. Sida eey sheegeen dad ka mida hogaanka maleeshiyaadka la dagaalamaayo Alshabaab waxaa eey xureeyeen goobo badan inta uu socday dagaalka dhawrkii bilood ee ugu dambayasay,dhinaca kalane DFS ayaa ayadana waday hawlgalo eey ku baacsanaysay Alshabaab gaar ahaan goobaha saldhigyada u ah kuna kala yaalo gobolada Shabeeladda,tusaale ahaan ciidamo ka kala socday Nisa iyo Haramcad ayaa cagta waxa eey mariyeen Maxkamadii Alshabaab ee ku tiilay Basra oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe,maalmo ka dibne ciidamada Danab ee uu Maraykanku tababaray ayaa iyagana cagta mariyey Maxkamadii Alshabaab kuna tiilaya degmada Mubaarak ee gobolka Shabeeladda hoose,hadaba dagaaladaan loogu awood sheegtay Alshabaab ayaa soo ifbixiyey waxyaabo ummadda ka qarsoonaay eeyna ka mid tahay ineey jiraan beelo,websit-yo iyo shaqsiyaad ka soo horjeedo kacdoonkaan shacbi eey bilaabeen heer Hiiraan uu hogaaminaayo gudoomiye Cali Jeyte,inta aan soo xusay ayaa adeegsanaayo farsamooyin lagu dhabar jebin karo kacdoonka socdo ee looga gacan sareeyey Alshabaab,tusaale ahaan WEBSIT-KA DAYNIILE oo ka mida bogagga eey akhristaan shacabka wardoonka ah ee Soomaaliyeed ayaa soo daabacay cinwaan ah:”DEG DEG:BEESHA WACAYSLE ABGAAL OO HUBKII UGU BADNAA SHABAAB KU WAREEJISAY 26-JUNE-2016-KII”.ujeedka cinwaan ayaa ah in la iska horkeeno beesha kacdoonka ka wado gobolka Hiiraan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka soo jeedo beesha wacaysle Abgaal,waa maxay sababta Dayniile ku qasbi karta inuu sidaan u hadlo ayadoo lagu jiro xaalad adag?
ISHA WARKA SB-MEDIA.