WAA MAXAY SABABTA WADAMADA SAFKA HORE UGA CAGA JIIDAYAAN DAGAALKA ALSHABAAB?
(SAWIRKA)-MADAXDA DALALKA SOOMAALIYA,ITOOBIYA,KENYA IYO JABUUTI.
(MUQDISHO)-Waxaa heer gabagaba ah maraayo wejiga koobaad ee dagaalka kooxda Alshabaab,waxaane maanta oo Jimca ah kooxda gacanteeda ka baxday degmadii ugu weyneyd uguna caansaneed ey soo maamulaayeen kooxda Alshabaab muddo ka badan toban sano oo xiriir ah,gulufkaan colaadeed ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda u muuqda mid la dhedhemiyey mirihiisii ugu horeeyey ka dib markii kooxda laga saaray degmada qadiimiga ah ee C/buur. Soo afaraidda wejiga koobaad ee dagaalka Alshabaab kana socday maamuladda H/shabeele iyo G/Mudug waxaa xigi doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Alshabaab kaaso lagu wado inuu ka dhaco maamuladda KGS iyo J/land,MW-Xasan ayaa Dhuusamareeb ka sheegay inuu degi doono xarunta Madaxtooyada KGS ee Baydhabo halkaasne uu ka hogaamin doono dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab,hadaba wejiga labaad ee la dagaalanka kooxda Alshabaab ayaa la sheegay iney qeyb ka noqon doonaan wdamada deriska ah eyna ciidamo ka joogaan Soomaaliya sida KENYA,ITOOBIY iyo JABUUTI,ma muuqato ilaa hadda wax dhaqdhaqaaq ah ey sameyanayan dalalkaasi kuna aadan u diyaargarawga dagaalka Alshabaab wejigiiisa labaad,su’aasha ayaa ah Maxaa hortaagan in dalalka safka hore ey ku soo biiraan dagaalka Alshabaab?
ISH/VOA-SOMALIA.